​Cumar Cabdirashiid oo muranka Badda ka hadlay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Ra'isal wasaaraha xilku ka dhammaaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake iyo wafdi la socda ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe caasumadda Puntland.

Madaxweyne Gaas, Guddoonka Barlamanka, xubno katirsan golaha wasiiradda iyo Xildhibaanada, shacab isugu jira rag iyo dumar ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Canoco.

Ra'isal wasaare Cumar iyo Madaxweyne Gaas, ayaa si wadajir ah ula hadlay warbaahinta, madaxweynaha Puntland sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu Wasiikii koowaad ee xukuumaddi waqtigu ka dhammaaday kusoo gaaray deegaanada Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Ra'iisul-wasaaruhu u yimi Puntland sidii loo sii amba qaadi lahaa geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda, isla markaana uu doonayo Ra'iisul-wasaaruhu in uu si dhow ula socdo xasilloonida iyo nabadda gaamurtey ee ka jirta Puntland.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake oo lagu dhaliilayo inuu qayb ka ahaa qorsha Kenya ku damaaciday Badda Kenya, ayaa su'aal is hortaag lagu sameeyay waxaa laga weydiiyay wuxuu kala socdo muranka badda ee doodiisu ka socoto maxkamadda ICJ, magaalada Hague ee dalka Holland.

Sharmake, ayaa xusay inuusan doonayn ka hordhicida dacwadda socota, isagoo iska fogeeyay inuu ku lug lahaa damaca Kenya ku qaadatay biyaha Somalia, isagoo sheegay in  2005-tii la sameeyay khariiradda kala xadaynta, wuxuuna sheegay in si khaldan loo dhigayo waraaqihii ay saxiixeen oo sida hadalka u dhigay labada waddanba codsanayeen in badda la dheereeyo xadkeeda.

Ugu dambayn Ra'iisal wasaaraha ayaa ku ammaanay dawladda Puntland nabad-gelyada, xasilloonida iyo hannaanka dawladnimo ee ka jirta, isagoona u rajeeyey in nidaamka doorashooyinku  si wanaagsan uga qabsoomi doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM