Daacish oo sheegatay dilka sarkaal ka tirsan NISA [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Garabka Daacish ee dalka Soomaaliya ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar toogasho ah oo lagu khaarijiyay xubin ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Dilka sarkaalka oo aanan wali magaciisa la hayn, islamarkaana aysan Daacish soo bandhigin ayaa waxa uu ka dhacay shalay oo Isniin ahayd gaara ahaan Galabtii degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

War qoraal ah oo lagu soo dabaacay Wakaaladda wararka u faafisa kooxda Daacish ee loo yaqaan Amaq ayaa waxaa lagu tilmaamay in falkaan ay ka dambeeyeen Rag hubeysan oo kooxdaan ka tirsan.

Balse, warar madax banaan ayaa sheegaya in ruuxa la dilay uu yahay qof shacab ah, mana jiro war war ah oo ay Hay’adda NISA kasoo saartay sheegashadda kooxdaan fadhigeeda ugu wayn uu yahay dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Goobjoogayaal ayaa warisdaha Garowe Online u sheegay in goobta dilka uu ka dhacay kadib ay soo gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo meydka qaaday, islamarkaana geeyay xarunta CID-da.

Dilkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili qayb ahaan wadooyinka caasimada ay xirnaayeen, taasoo ka dambeysay markii uu dalka ku yimid qaab qarsoodi ah madaxa sirdoonka dowladda Sudan Saalax Cabdalla Maxamed [Saalax Gosh].

Ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu udardar gelin lahaa mashruuc ay wadato dowladda Qadar, kaasoo lagu tababarayo saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, si ay amaanka dalka usugaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Daacish sheegato dil ka dhacay Muqdisho, waxaana horey u jiray kuwa kale oo ay ku beegsatay askar ka tirsan Booliska, gaara ahaan kuwa Ilaalada wadooyinka oo ay qaarkood muuqaalo kasoo duubtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM