Daacish oo sheegatay Qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay magalaada Muqdisho kaasoo lagu dilay ugu yaraan 4 Askari oo katirsanaa Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal lagu baahiyay "Amaq News Agency" oo ah barta ay wararka soo dhigtay Kooxda ayaa lagu xaqiijiyay in ka dambeeyeen weerarka oo ka dhacay BarKoonatrool oo Ciidamada Xasilinta kuu leeyihiin degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Daacish ayaa sidoo kale shaacisay in Hal Askari oo kale ay ku dhaawacday Qaraxan, oo ahaa miido lagu aasay meel fariisin u ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ha'adaha dowladda oo ku aadan Qaraxa iyo sheegashada Daacish, oo ah Kooxda dhawaanahan dardar gelisay weerarada ay ka geysato magaalada Muqdisho.

Horaantii bishan, Daacish ayaa soo saartey sawirro iyo muuqaalka ay ku xaqiijinayso dilal ay ku fulisay Suuqa weyn ee Bakaaraha, kuwaasi oo uu kamid ahaa Askari kuwa Taraafikada, kaasi oo dilkiisa la sheegay in loo qabtey labo qof oo looga shakiyay.

Daacish ayaa ku awood badan buuralayda gobolka Bari, ee Puntland halkaasoo ah meesha sanado kahor lagu aas-aasay, iyadoo fulisay dhowr weerar iyo dilal ka dhacay Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM