Daacish oo sheegatay qarax miino ka dhacay duleedka Muqdisho

Image
Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Daacish ayaa dusha saaratay qarax miino oo la dhacay duleedka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan bar kontarool oo ku yaalla degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

War qoraal ah oo ISIL-Somalia ay ku daabacdey ciwaanka ay ku leedahay internet-ka ayaa lagu caddeeyay in kooxda ay weerarkaas ku dishay ugu yaraan labo askari.

War-saxaafadedka ayaa intaas ku daray in afar askari kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo dhacay gelinka hore ee maalintii Talaadada, sidda ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qaraxan oo laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay soo saareen illaa hadda. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay ayaysan uga jawaabin waqtigii laga dalbaday.

Sikastaba ha ahaatee, Daacish ayaa si dhuumaaleysi ah waxa ay uga howlgashaa gudaha Muqdisho maadaama ay is-bartilmaameedsadaan maleyshiyaadka Al-Shabaab oo horey guluf ka dhan ah ISIL-Somalia si rasmi ah u iclaamisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM