Daba-Geed oo xiray Taliyihii NISA ee Hiiraan iyo ku xigeenkiisa

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-Geed], ayaa xabsiga dhigay Taliyihii Nabad Sugida gobolkaasi ugu qaabilsanaa hay'adda NISA iyo ku xigeenkiisa.

Taliyaha la xiray oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Cali ayaa lagu xiray magaalada Beledweyne, kadib amar kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha cusub ee gobolka dhawaan loo soo magacaabay Yuusuf Daba-Geed.

Illaa hadda lama sheegin sababta ka dambeysa xariga Taliyaha Nabad Sugida gobolka Hiiraan, balse warar uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya maamulka cusub iyo NISA, kaasi oo la sheegin waxuu salka ku hayo.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa Daba-Geed u magacaabey guddoomiyaha cusub ee gobolka bishii lasoo dhaafay, isagoo xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolkaasi Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Yuusuf Daba-Geed waa markii labaada oo xilkan lo magacaabo tan iyo markii HirShabeella la aas-aasay sanadkii 2016 dhamaadkiisa, iyadoo isbedellada lagu sameynayo maamulka ay imaanayaa xilli Madaxweyne Waare wajahayo eedeymo la xiriira wax-qabad la'aan.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM