Dabley khaarijin rabtay mas'uul dowladeed oo lagu toogtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidanka Booliska ayaa Jimcadda maanta ah wuxuu shaaca ka qaadey in uu toogasho ku dilay dagaalameyaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka bileyska, Sakiya Xuseen, ayaa daboolka ka qaadey in dableyda oo afar ahaa ay doonayeen in ay khaarijiyeen mas’uul dowladeed.

Mas'uulka oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda xukuumadda federaalka ah laguna magacaabo Cabdi Garre ayaa ah Agaasimaha Howlaha ee Wasaaraddaasi.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in kooxaha hubeysan lagu naf-gooyay Suuqaha Baraakaha, dhinaca degmadda Howlwadaag, ee Muqdisho kadib iska hor-imaad.

Dadka isku dhaca oo muddo socday lagu dilay ayaa waxaa kamid ah qof dumar ah, taasi oo la sheegay in ay hubka u siday saddex rag kale ayna u qaybineysay.

Cabdi Garre, oo u mahad-naqay hay'addaha amniga, ayaa waxa uu waqtigaasi ku tukaday Salaadda Jimcaha Masjid ku yaala goobtaasi, sidda ay tibaaxayaan wararka.

Warbaahinta dowladda gaar ahaan Telefishinka Qaranka ayaa wuxuu baahiyey muuqaal shaqsiyaadkaasi laga soo duubay, kaasi oo ay kasoo muuqdeen meydadkooda.

"Ciidanka booliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday," ayay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Sakiya.

Madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo kormeeray goobta dhacdada laga soo wariyay ayaa waxay bogaadiyeen laamaha ammaanka ee fashiliyey "dhagartaasi".

Beegsiga mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda si lamid ah Odayaasha Dhaqanka ayaa joogto ka ah magaalooyinka qaar waddanka, iyadda oo falalkaasi ay inta badan sheegato Al-Shabaab.

Amniga magaalada caasimada ah ayaa maalmihii dambe aad loo adkeeyay, waxaana isgoysyadda waaweyn lagu arkayaa ciidamo kuwaasi oo hubinaya gaadiidka raaxadda iyo kuwa dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM

Jubaland: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu Khatar Gelinayaa Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya

Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si dhab ah u taageeraan shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:32AM