Dad biyo la'aan ugu dhintay gobolka Gedo

Image

Sept 23, 2014 (GO)- Dad ay tiradoodu ku dhow dahay labaatan qof ayaa 48-dii saac ee ugu dambeeyey biyo la'aan iyo macaluul ugu geeriyoodey deegaano hoos taga degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dadkaas oo isugu jira carruur iyo dad waayeel ah tiradooduna ay dhan tahay 18 qof waxay ku dhinteen labadii maalmood ee lasoo dhaafay nawaaxiga tuulada Qoryaale oo degmada Luuq 50km u jirta.

Maamulka  Luuq ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka, hay'adaha samafalka iyo dadka Soomaaliyeed ee khayrka jecel, baaqaas oo ah in gargaar loo fidiyo dadka ay abaartu saamaysay.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa biyo dhaamis laga waday miyiga gobolka Gedo, inkastoo xaaladda abaarta oo aad u daran aawadeed ay adag tahay in biyaha la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan.

Abaarta oo ka jirta dhul badan oo ka tirsan gobolka Geeska Afrika, waxay sidoo kale saamaysay qaar kamid ah deegaanada Puntland, inkastoo xaaladoodu ay wanaagsan tahay marka loo barbar dhigo tan ka jirta gobollada Gedo iyo Galguduud.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM