Dad ku dhaawacmay gaari lagu xiray walxaha qarxa

Image

10 January, 2016(GO)-Ugu yaraan labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay kadib qarax lagu xiray gaari nooca raaxada oo uu watay nin la sheegay inuu kashaqeeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalada Muqdishu xarunta Somalia kaasoo magaciisa lagu koobay Jaarlas.

Darawalka gaariga ayaa shilkaas kabadbaada isagoo kadagtay qarax kahor, wuxuuna qaba dhawac fudud.

Majirto faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxaysa garaxa gaarigan, balse ciidamada amniga Muqdishu ayaa goobta gaaray iyagoo wada baaritaan arrintaasi ku aaddan.

Weerarka ayaa kadhacay degmada Shibis gaar ahaan isgoyska Maano-booliyo, wuxuuna qaraxan daba joogaa weeraro caado kanoqday magalada Muqdishu.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata qaraxyada Muqdishu balse macadda weerarkan cidda gaysatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM