​Dad loo haystay qaraxyadii Baydhabo oo la xukumay

Image

BAYDHABO-Xukunno ciqaabtiisu kala duwantahay ayaa maanta lagu riday eedaysanayaal loo haystay inay ka dambeeyeen weeraradii 28-kii Febraayo ka dhacay magalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Somalia ayaa xukun dil ah ku riday 5 ruux oo lagu helay inay ka dambeeyeen labadii qarax ee magaladaasi ka dhacay kuwaasi oo galaaftay nolashada ku dhawaan 50 ruux.

Waxaa sidoo kale xabsi ciidan oo dhan saddex sano lagu riday shakhsi kale oo maxkamaddu sheegtay in falkaasi ku lug lahaa, iyadoo sidoo kale amartay siidaynta maxbuus dambiga falkaasi lagu waayay.

Gudoomiyaha Cali Shuute, ayaa ku dhawaaqay go'aanka maxkamaddu ka gaartay dacwadda loo haystay eedaysanayaasha oo dhammaantood rag ahaa.

Dadka la xukumay ayaa qaybtood lasoo qaybtay 29 Febraayo, waxaana dhawaan baaritaano ciidamada maamulkaasi Baydhabo ka sameeyeen kusoo qab qabteen ilaa 10 ruux oo arrimahaasi lagu tuhmayo.

Maaha markii ugu horaysay ee maxkamad ku taalla Baydhabo rido xukunno caynkan ah.

Baydhabo, ayaa daganayd tan iyo wixii qaraxyadaasi ka dambeeyay, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka goobaha muhiimka ah iyadoo shacabka la amray inay muujiyaan fejignaan xooggan maadaama ururka Shabaab badaleen qaabkii ay weerarada uga fulin jireen Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM