​Dad loo haystay qaraxyadii Baydhabo oo la xukumay

Image

BAYDHABO-Xukunno ciqaabtiisu kala duwantahay ayaa maanta lagu riday eedaysanayaal loo haystay inay ka dambeeyeen weeraradii 28-kii Febraayo ka dhacay magalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Somalia ayaa xukun dil ah ku riday 5 ruux oo lagu helay inay ka dambeeyeen labadii qarax ee magaladaasi ka dhacay kuwaasi oo galaaftay nolashada ku dhawaan 50 ruux.

Waxaa sidoo kale xabsi ciidan oo dhan saddex sano lagu riday shakhsi kale oo maxkamaddu sheegtay in falkaasi ku lug lahaa, iyadoo sidoo kale amartay siidaynta maxbuus dambiga falkaasi lagu waayay.

Gudoomiyaha Cali Shuute, ayaa ku dhawaaqay go'aanka maxkamaddu ka gaartay dacwadda loo haystay eedaysanayaasha oo dhammaantood rag ahaa.

Dadka la xukumay ayaa qaybtood lasoo qaybtay 29 Febraayo, waxaana dhawaan baaritaano ciidamada maamulkaasi Baydhabo ka sameeyeen kusoo qab qabteen ilaa 10 ruux oo arrimahaasi lagu tuhmayo.

Maaha markii ugu horaysay ee maxkamad ku taalla Baydhabo rido xukunno caynkan ah.

Baydhabo, ayaa daganayd tan iyo wixii qaraxyadaasi ka dambeeyay, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka goobaha muhiimka ah iyadoo shacabka la amray inay muujiyaan fejignaan xooggan maadaama ururka Shabaab badaleen qaabkii ay weerarada uga fulin jireen Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM