Dad loo qabtey dilka Mas'uul katirsan maamulka Wanlaweyn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka degmada Wanlaweyn ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaad looga shakisan yahay inay mas'uul ka yihiin dilka Kaaliyihii Maxkamadda degmadaasi Maxamed Jacfar Axmed.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in lasoo qabtey labo ruux, kadib baaritaanno socday tan iyo shalay kaasi oo logu baadi-goobayay cida ka dambaysa falkii lagu qaarijiyay Maxamed Jacfar habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Wararka uu Warsidaha Garowe Online ka helayo Illo-wareedyo ku sugan degmada ayaa sheegaya in labada ruux ee gacanta lagu dhigay laga dabagalay Taleefoon ay ka soo waceen Kaaliyaha ka hor dilka isla markaana la aqoonsaday.

Kuwa lasoo qabtey ayaa waxaa hadda su'aalo dheeri ah lagu waydiinayaa saldhiga Booliska degmada, waxaana lagu wadaa in dhawaan lasoo taago maxkamad, si loogu qaado xukun ku aadan dilka ay marxuum Maxamed Jacfar u geesteen.

Degmada Wanwalweyn, oo qiyaastii 90Km dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho waxaa la degay falal amni darro, oo ay kamid yihiin dilalka iyo weeraro Al Shabaab mararka qaar kusoo qaado, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada DFS iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM