Dadaalo la isugu soo dhaweynayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo fashilmay

Image
Isku-daygan diblumaasiyasadeed waxaa hormuud ka ahaa Jabuuti iyo Kenya waxaana waan-waanta ay ka socotay Nairobi.

MUQDISHO, SoomaaliyaDadaal diblumaasiyadeed oo ay Kenya iyo Jabuuti ku doonayeen in ay ku xaliyaan khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsan is-afgaradkii muranka dhaliyay ayaa dhamaaday iyadoo aan la gaarin wax heshiis ah, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Xogta ayaa sheegeysa in maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Nairobi ku sugnaayeen wakiilo ka kala socda Soomaaliya iyo Itoobiya balse mas’uuliyiinta labada dal ma aysan la kulmin ama ma yeelan wada hadal toos ah. 

Kenya waxa ay wadday dadaal dhab ah oo diblumaasiyadeed, dadaalkaas oo la sheegay in uu hormuud u ahaa madaxweynaha Kenya William Ruto.

Xogtu waxay sheegeysaa in mowqifka Soomaaliya uu ahaa mid cad uuna ahaa in aysan jiri doonin wada hadal toos ah haddii aysan Itoobiya ka tanaasulin Is-afgaradkii “Sharci-daro” ahaa ee uu baarlamaanka Soomaaliya ku dhawaaqay, uuna saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM