Dadkii nolosha ku gubey Axmed Dowlo oo dil lagu xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Talaado ah waxay dil toogasho ah ku xukuntay saddex kamida todoba qof oo loo xiray kiiska dilki foosha xumaa ee Axmed Mukhtaar Salaad "Axmed Dowlo".

Dadkan ayaa Kala ah labo rag ah iyo gal haweenay, iyadoo Laba kamida kasoo jeedaan hal qoys, sidda ay xeer-beegtidda u sheegtay warbaahinta.

Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed ayaa garka loo geliyay toogasho markii dambiga lagu helay.

Afarta kale ee kasoo hartay xubnaha la xukumay ayaa lasii daayey markii dambi lagu waayey.

Qoyska eedeysanayaasha ayaa waxa ay goobjoog ka ahaayeen madasha xukunku ka dhacay, iyaga oo helay Abukaateyaal difaaca.

Xukumanayaasha ayaa haysta muddo 28 saacadood gudaheeda ah, oo ay Racfaan uga qaadan karaan xukunkaasi ku dhacay.

Dhanka kale, qoyska marxuum Axmed Dowlo ayaa sheegay in dadka la xukumay aysan ahayn kuwii falka sameeyey, iyaga oo codsaday in lasoo qabto "gacan ku dhiiglayaasha".

Axmed Dowlo ayaa sabab la xiriirta heeb-sooc guur loogu dilay degmada Yaaqshiid ee magaaladda Muqdisho bishii September 2018.

Kaliya khaarijin ma uusan ahayn waxaa marxuumka loo geystay gubid, isaga oo la qabad-siiyey dab xilligii uu Ku sugnaa Garaash uu Ka shaqeynayay.

Falkaasi, oo carro badan dhaliyey, ayaa yimid markii wiil uu Axmed Dowlo adeer u ahaa uu guursaday gabar ay deris ahaayeen iyadoo qoyskeeda diidan yahah.

Wiilka iyi Gabadha dartood dhibkan u dhacay ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya u dirtay Turkiga kadib markii aroos dhaqaale badan ku baxay ugu dhigtay Muqdisho sanadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM