Dagaal beeleed lagu hoobtey oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Image
Colaadan ayaa kasoo cusboonaatay deegaanka Laandheer oo u dhaxeeya Xeraale iyo Caabudwaaq ee Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaaro badan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaal u dhaxeeya labo beelood oo wada dega gobolada dhexe ee Soomaaliya oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii ugu cuslaa uu shalay ka dhacay deegaanka Laandheer oo u dhaxeeya Xeraale iyo Caabudwaaq ee maamul goboleedka Galmudug.

Ilo wareedyada ayaa ku kala aragti duwan tirada dhimashada ee dagaalka. Qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 ay dhinteen halka qaar kalena ay dhimashadu ka dhigayso tobanaan ka badan 50 ruux.

Illaa haatan, ma muuqato wax dadaal ah oo ay waddaan mas'uuliyiinta si loo qaboojiyo colaadda marka laga reebo guddi shan wasiir ah oo Galmudug ay u saartey qaboojinta colaaddan sii xoogeysanaysa.

Hogaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa illaa haatan wax war ah kasoo saarin dagaalkan marka laga yimaado Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo baaq nabadeed u dirtey dhinacyadda dagaalamaya.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa kamid ah madaxdii ugu dambeysay ee baaqa nabadeed kasoo saartey dagaalkan kuna waaniyay beelaha walaalaha in ay xabadda degdeg u joojiyaan.

"Waa musiibo qaran in aan weli isu dilayno aano iyo dagaal qabiil, oo ay hal maalin tiro badan nooga geeriyoodeen, in badanna nooga dhaawacmeen," ayuu hadalkiisa kusii daray Khayre oo kasoo jeeda Galmuudg.

Dagaal beeleedyadda ayaa kusoo laab-laabtey Soomaaliyadda iyadda oo sababta ugu weyn ay tahay aano qabiil oo soo jireen ah mana muuqato wax dadaal ah oo lagu bixyey sidii xal waara loogu heli lahaa galkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM