Dagaal culus oo ka dhacay Beledweyne [Fah-faahin]

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Dagaalka qaraar ayaa ka dhacay magaalada Belad-wayn ee xarunta gobolka Hiiraan, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Guutada 5aad, ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Korneyl Faarax Cali Waasuge.

Taliye Waasuge ayaa ka dhawaajiyay in dagaalka uu ka dambeeyay markii cutubyo ka tirsan ciidanka xooga oo ka guurayey Saldhig, kuna sii jeedo xero kale ay jidka u galeen dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab.

Iska hor imaad kooban oo leysku adeegsaday qoryaha fudud ayaa halkaas ka dhacay, iyadoo Taliyaha uu ku tilmaamay Ragga weerarka kusoo qaadeen ay ahaayeen tiro yar oo la iska-caabiyay.

"Ragii argigixisadda ahaa ayaa Jidka noo galay, anagoo geedo ah. Dagaal kooban ayaa halkaas ka dhacay, waxaana ka dilnay hal kamid ah, labo kelana way ka dhaawacmeen kooxdii nagu soo duushay," ayuu yiri Waasuge.

Taliyaha ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in dhankooda khasaaraha soo gaaray uu yahay mid kooban, islamarkaana uu ka dhaawacmay hal Askari, kaasi oo dhaawaciisu yahay mid sahlan.

Al-Shabaab wali wax war ah kama aysan oo saarin weerarka, oo imaanaya maalmo uun kadib markii ay dib isaga baxeen deegaanka Moqokori oo ay dagaal ku qabsadeen, halkaasoo ay ciidamada dowlada mar kale dib ula wareegeen.

Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa hadda ah mid xasiloon, inkastoo ciidamada dowladda lasoo warinayo inay bilaabeen Howlgalo ay ku raadinayaa Ragii weerarka Jidgalka ah kusoo qaaday.

Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida joogtada ah ay weerarada uga fuliso Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda mar walba ay la kulmaan duulaano gaadmo ah, oo dhimasho iyo dhaawac sababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM