Dagaal culus oo ka dhacay Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana sababay khasaarooyin kala duwan ayaa caawa ka dhacay degmada Jowhar, ee xarunta KMG maamulka HirShabelle.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo Saraakiisha degmada ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ay kala shakiyeen Ciidamo katirsan Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka uu tababaray ee loo yaqaano "Bancraft."

Dagaalka oo mudo daqiiqado ah socday ayaa xooggiisa waxa uu ka dhacay Xaafada Xaansholey ee ku taalla duleedka Jowhar, kaasi oo billowday markii Ciidamada Bancraft ay rasaas ku fureen Ciidamo Milateri ah oo ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku geeriyootay dagaalka, ugu yaraan shan kalena way ku dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay Isbitaalkia guud ee degmada Jowhar.

Saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa kala dhexgalay labada Ciidan, waxaana ay wadaan dedaallo lagu qaboojinayo xaaladda ka dhalatay iska-hor-imaadka dhiiga ku daatay.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa dhawaan ka digay sii socoshada isku dhaca Ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo mudooyinkii ugu dambeeyay soo kordhayay, isagoo Taliye-yaasha ugu baaqay inay arintaasi kahor tagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM