Dagaal culus oo ka dhacay Shabeellaha Hoose [Fahfaahin]

Image

QORYOOLEY, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka hore oo ka dhacay Tuulada Buula-Sheekh, oo ku taala duleedka bari ee degmada Qoryooley, ayaa waxaa lagu dilay afar kamid ay dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Militeriga Soomaaliya.

Maxamed Sheegow, oo ah Gudoomiyaha dhinaca amniga iyo siyaasadda ee gobolka, oo la hadlay warbaahinta, ayaa tilmaamay in dagaalka ay sidoo kale kula wareegeen deegaanka, islamarkaana ay uga dhaawaceen Al-Shabaab xubno kale.

"Dhankeena ma jiro wax khasaaro ah oo naga soo gaarey dagaalka. Wana ku jebinay waxaana kala wareegnay fariisamahooda," ayuu yiri Sheegow oo ku sugan degmada Qoryooley.

Dhanka kale, wararka laga helayo deegaanka Buula-madow oo isla duleedka Qoryooley tuula ayaa waxaa laga soo wariyay dagaal, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalkaan wuxuu yimid kadib markii ciidamada xooga dalka Soomaaliya, oo halkaas kawadey howlgal amni ay weeraro gaadmo ah kusoo qaadeen xoogaga Al-Shabaab, kaasi oo ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku saabsan dagaallada, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda ay hadda caadi kusoo laabatey, islamarkana ay socdaan howlgallo Ciidamada amniga ku xaqiijinayaan.

Mudooyinkii dambe ciidamada xooga dalka Soomaaliya, ayaa waxay kordhiyeen weerarada iyo howlgaladda ay ku qaadayaan goobaha ay Shabaab uga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose, oo kamid ah meelaha ay ku xoog badan tahay Kooxdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM