Dagaal dhaxmaray Hirshabeelle iyo “Hiiraan State” oo ka qarxay magaalada Beledweyn

Image
Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Beledweyne, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad ciidan oo u dhaxeeya garab taabacsan maamulka Hirshabeelle iyo mid kale oo taabacsan maamul isu magaacabay “Hiiraan ٍState”.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 6 qof, iyadoo ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in Maleeshiyaad hubaysan ay kala wareegeen Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle saldhigga magaalada Beledweyn.

Qaar ka mid ah Wakiilada Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle ku matala Baarlamaanka Federaalka ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Maamulkaas Cali Guudlaawe Xuseen & ku xigeenkiisa Yuusuf Hagar Dabageed.

Xildhibaanadan oo Warbaahinta maxalliga ah la hadlay ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe & ku xigeenkiisa inay abaabul ka wadeen deegaanada Gobollada Shabeellaha Dhaxe si ay u wareeraraan Maleeshiyaadka “Hiiraan State”.

Dhinaca kale, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ku matalaya Baarlamaanka inaysan ka shaqeyn horumarinta deegaanada maamulka, balse ay abuureen jawi khilaaf iyo kala qeybsanaan ah.

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, iyadoo ay isa soo tarayaan dhawaaqyada ku baaqaya in gobolka Hiiraan uu ka goosto maamulkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM