Dagaal dhaxmaray Hirshabeelle iyo “Hiiraan State” oo ka qarxay magaalada Beledweyn

Image
Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Beledweyne, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad ciidan oo u dhaxeeya garab taabacsan maamulka Hirshabeelle iyo mid kale oo taabacsan maamul isu magaacabay “Hiiraan ٍState”.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 6 qof, iyadoo ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in Maleeshiyaad hubaysan ay kala wareegeen Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle saldhigga magaalada Beledweyn.

Qaar ka mid ah Wakiilada Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle ku matala Baarlamaanka Federaalka ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Maamulkaas Cali Guudlaawe Xuseen & ku xigeenkiisa Yuusuf Hagar Dabageed.

Xildhibaanadan oo Warbaahinta maxalliga ah la hadlay ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe & ku xigeenkiisa inay abaabul ka wadeen deegaanada Gobollada Shabeellaha Dhaxe si ay u wareeraraan Maleeshiyaadka “Hiiraan State”.

Dhinaca kale, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ku matalaya Baarlamaanka inaysan ka shaqeyn horumarinta deegaanada maamulka, balse ay abuureen jawi khilaaf iyo kala qeybsanaan ah.

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, iyadoo ay isa soo tarayaan dhawaaqyada ku baaqaya in gobolka Hiiraan uu ka goosto maamulkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM