Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ugu yaraan Labo Askari ayaa ku dhimatay, tiro kale oo saddex ah dhaawac ayaa kasoo gaarey kadib markii iskahor-imaad uu duleedka magaalada Baydhabo ku dhex-maray Milatariga Soomaaliya iyo ciidanka Koonfur Galbeed.

Dagaalka oo yimid kadib markii kala shaki uu soo kala dhex-galay ciidamada labada Askari ee ku dhimatay ay ka tirsanaayeen kuwa Koonfur Galbeed, halka saddexda dhaawaca ah Labo kamid ah ahaayeen ciidanka xooga dalka.

“Ciidamada xooga dalka oo kasoo baxay Buurhakaba, kuwaasoo socdaal dhulka ku ah kusoo galayey Baydhabo ayaa waxaa arkay ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaasoo igaga Baabuur saarnaa kuwaasoo Kuunfur Galbeed ka tirsan,” Goobjooge ayaa sidaas yiri.

“Kadib, ciidamada Koonfur Galbeed ayaa ka shakiyey waxayna uqaateen Dagaalyahanada Shabaab, waxayna ku bilaabeen Rasaas, halkaasoo uu ka dhashay Dagaal fool ka fool ah soo socday muddo kooban,” ayuu ku daray.

“Iyadoo dagaalku socdo ayaa waxaa Dagaal ka yimid ciidamo kale oo Koonfur Galbeed ka tirsan, kuwaasoo Gartay ciidanka xooga. Waxay dejiyeen xiisadda iyagoona ku guuleystay inay joojiyaan dagaalka,” ayuu raaciyay.

“Dagaalka ayaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Labo Askari ayaa dhanka Koonfur Galbeed kaga dhimatay dagaalka. Halka dhanka ciidanka xooga uusan jirin wax khasaaro ah. Dhaawac oo 3 oo labada dhinac ah,” ayuu kusoo xiray.

Wali ma jiro, wax hadal ah oo ku saabsan iskahor-imaadkaan dhex-maray ciidamada dowlada Soomaaliya oo kasoo baxay Taliska ciidanka xooga iyo Koonfur Galbeed, waxaana ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka ka jira dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM