Dagaal ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray labo Saldhig oo ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Degmada Hurwaa oo ku taalla Koonnfurte barri ee magaalada Muqdisho.

Labadda weerar oo dhacay wax yar kadib salaadii Maqrib ee Arbacadda, ayaa waxaa midka hore lagu qaadey Saldhiga ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA] ee ku yaalla Isgoyska SOS.

Weerarka labaad oo isana dhacay isla Saacadaasi, ayaa waxaa lagu bartilmaameedsadey fariisin kale oo ciidanka NISA ku leeyihiin nawaaxiga Isgoyska Baar Jowhar, oo isana ka tirsan Degmada Hurwaa.

Dadka deegaanka oo Taleefonka kula hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa waxay qeexeen inay maqleen daryenka rasaasta qoryaha daran-darooriga u dhaca, ayna socotay ugu yaraan saacad.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu kala gaarey labadda dhinac, wallow aan si dhab ah loo ogayn inta uu la egyahay.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarada gaadmada ah oo lagu soo qaaday fariisamahooda, kuwaasi oo lagu soo beegay xilli ay Ciidamada ku jira heeganka ay Afur u fadhiyeen.

Wali ma jiro wax war ah oo dhanka Al-Shabaab kasoo baxay oo ku aadan weerarka caawa, kaasoo qeyb k ah weeraro kooxda ka fulineyso caasimada dalka Soomaaliya tan iyo markii ay billaabatey bishan Ramadan ee dhamaanka ah.

Amaanka Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, iyadoo Al-Shabaab sare u qaaday howlgaladeeda dilalka ah, kadib markii ay ku adkaatey inay bishan qaraxyo ka fuliso magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Baaq Nabadeed u Dirtay Hindiya iyo Pakistan xilli Xiisaddu Kacsan Tahay

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib weerar ka dhacay magaalada Pahalgam ee ku taalla Kashmir ee ay maamusho Hindiya.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 09:22AM

Hubanti La'aan hareysay Shirka Wadatashiga Qaranka Kadib Dib-u-Dhacyo iyo Ka-Qaybgal La’aan

Dhinaca kale, madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u caddeeyay inaysan shirka ka qaybgalaynin.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 08:44AM