Dagaal ka dhacay Shabeellaha hoose

Image

Mallayshiyaad katirsan ururka Al-Shabaab ayaa jidka u galay cutubyo katirsan ciidamada Ethopia ee qaybta ka  ah AMISOM, kuwaasi oo marayay gobolka Shabeellah hoose gaar ahaan inta u dhaxaysa Balli doogle iyo Leego.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay iska hor imaadka dhexmaray labada dhinac, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac aan lacaddayn.

Balse, qoraal ururka Shabaab soo dhigeen barahooda taageera ee Internetka ayaa lagu muujiyay in weerarkaasi lagu gubay afar gaadiidka dagaalka ah oo ciidamdaasi.

Dhinaca AMISOM ilaa hadda kama hadlin weerarka, laakin dadka deegaanka ayaa cadeeyay in la isweydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana waxay tilmaameen inay jiraan dhimasho iyo dhaawac labada dhanba ah.

Ciidamada la weeraray ayaa kayimi dhinaca Balli doogle.

Weerarkan ayaa yimi xilli ururka Al-Shabaab dagaallo kala duwan ka gaysanayaan gobolka Shabeellaha hoose oo ay kusuganyihiin ciidamo xooggan oo katirsan Somalia iyo Midowga Afrika.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM