Dagaal kharaar oo ka dhacay Afgooye iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

AFGOOYE-Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Dagaal culus oo degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dhex-maray ciidamadda dowladda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka oo socday muddo saacado ah ayaa ku bilowdey iska hor-imaad toos ah kadib markii xoogaga Shabaab dhowr jiho weerar kaga soo qaadeen Fariisin ciidamada xooga dalka ku leeyihiin degmada Afgooye..

Faahfaahinta ayaa intaas ku dareysa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaarey labada dhinac iyadoo aan la xaqiijin karin khasaaraha soo kala gaarey labada dhinac. 

Mas’uuliyiinta amaanka ee degmadda iyo kuwa gobolka oo siyaabo kala duwan uga hadlay waxay xaqiijiyeen inuu jiro khasaaro dhinacyadda soo kala gaaray, wallow ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ay bixiyaan.

Ma jiro war rasmi ah oo ay Al-Shabaab kasoo saartay weerarka ay ku qaadeen.

Magaalada Afgooye oo Al-Shabaab laga saarey sanadkii 2012 ayaa waxaa ku sugan ciidamo isugu jira Boolis, Milatari iyo kuwa AMISOM, kuwaas oo weeraro joogta ah ka kulma kooxda Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM