​Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia ayaa sheegaya in ciidanka dowladda iyo mallayshiyaad katirsan Al Shabaab ku dagaallameey deegaano katirsan gobolkaas.

Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lagusoo waramayaa inay ka dhasheen dagaalkaasi oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Bud-bud oo u dhow deegaanka Ceel Dheere.

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay 10 ruux oo isugu jira shacab iyo ciidanka dowladda, halka dhaawacu intaasi ka badanyahay.

Lama oga khasaaraha dhinaca Al Shabaab oo sida la xaqiijiyay weerarka kusoo qaaday saldhig ciidanka dowladda Somalia kulahaayeen halkaasi.

Goob jooge magaciisa qariyay ayaa warsidaha GO u sheegay in dagaalku ku bilowday madaafiic xarakada Al Shabaab kusoo weerareen saldhigaasi oo wararku sheegayaan inay shalay galinkii dambe ka guureen ciidan katirsan AMISOM oo kasocday dalka Ethiopia.

Xaaladda ayaa iminka dagan, balse isku dhaca labada dhinac ayaa qaatay ku dhawaad toban saac, waxaana la isu adeegsaday hubks noocyadiisa kala duwan.

Maaha markii ugu horraysay gobolkaasi weerar Al Shabaab ku qaado saldhigyo ay kusuganyihiin ciidamo katirsan dowladda Federalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM