Dagaal maalintii labaad kasocda Baladweyne

Image

BALADWEYNE- Barqankii hore maanta ayaa mar kale mallayshiyaad kala taabacsan beelo daga magalada Baladweyne waxay isku fara saareen xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ku dhintayay dad isugu jira shacab iyo kooxaha dagaallamaya.

Warar aan ka helnay goob joogayaal iyo maamulka degmadaasi ayaa sheegaya inay dhinteen ilaa 8 ruux oo qof kamid ah yahay shacab, halka dhaawacyo kala duwan soo gaareen tiro intaasi ka badan.

Isku dhacan oo muddo soo socday, ayaa qarxay shalay galinkii dambe, markii labo nin aano qabiil loogu dilay duleedka magalada Baladweyne.

Hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan qoryaha baabuurta la saaro iyo kuwa garanka laga tuuro ayaa dhinacyada dagaallamaya isu adeegsanayaan.

Maamulka magalada Baladweyne ayaa cadeeyay inuusan lahayn awood lagu xakamayn karo dhibaatada dhacaysa, balse wuxuu sheegay inay gacan ka sugayaan ciidamada AMISOM.

Isku dhacan, ayaa saamayn xooggan u gaystay dadka shacabka ah, waxaana goob joogayaal aan la hadalnay noo xaqiijiyeen inuu hakad ku jiro ilaa shalay isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Dagaalkan, ayaa kusoo beegmay xilli dadka reer Baladweyne la daalaa dhacayeen fatahaadda wabiga Shabeelle iyo sicir barar ku yimi maciishadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM