Dagaal maalintii labaad kasocda Baladweyne

Image

BALADWEYNE- Barqankii hore maanta ayaa mar kale mallayshiyaad kala taabacsan beelo daga magalada Baladweyne waxay isku fara saareen xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ku dhintayay dad isugu jira shacab iyo kooxaha dagaallamaya.

Warar aan ka helnay goob joogayaal iyo maamulka degmadaasi ayaa sheegaya inay dhinteen ilaa 8 ruux oo qof kamid ah yahay shacab, halka dhaawacyo kala duwan soo gaareen tiro intaasi ka badan.

Isku dhacan oo muddo soo socday, ayaa qarxay shalay galinkii dambe, markii labo nin aano qabiil loogu dilay duleedka magalada Baladweyne.

Hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan qoryaha baabuurta la saaro iyo kuwa garanka laga tuuro ayaa dhinacyada dagaallamaya isu adeegsanayaan.

Maamulka magalada Baladweyne ayaa cadeeyay inuusan lahayn awood lagu xakamayn karo dhibaatada dhacaysa, balse wuxuu sheegay inay gacan ka sugayaan ciidamada AMISOM.

Isku dhacan, ayaa saamayn xooggan u gaystay dadka shacabka ah, waxaana goob joogayaal aan la hadalnay noo xaqiijiyeen inuu hakad ku jiro ilaa shalay isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Dagaalkan, ayaa kusoo beegmay xilli dadka reer Baladweyne la daalaa dhacayeen fatahaadda wabiga Shabeelle iyo sicir barar ku yimi maciishadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM