Dagaal u dhaxeeya ciidamadda DF Soomaaliya iyo Jubaland oo qarxay

Image

BELEDXAAWO, Gedo – Iska hor-imaad u dhaxeeya ciidamo daacad u ah Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland, iyo kuwa kale oo taabacsan dowlada Soomaaliya ayaa laga soo wariyey Beledxaawo.

Dagaalka ayaa si gaar ah looga soo sheegayaa goobta ugu muhiimsan xadka Soomaaliya iyo Kenya si lamid ah degaanka Buula Amiin.

Dadka degaanka ayaa tilmaamay in ay maqlayaan daryenka hub culus. Illaa iyo haatan lama ogga khasaaraha labada dhinac.

Sidoo kale, waxaanan la ogayn qaabka uu ku bilowday dagaalka, inkastoo maalmihii dambe ay is-hor-fadhiyeen Ciidamadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar sii horeysay sheegtay in Janan uu yahay baxsad isla markaana uu geystay "dambiyo kala duwan oo culus".

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay gobolka Gedo ku daabushay ciidamo "siyaasadeysan oo huriyey xasilooni darro".

Mareykanka ayaa si gaar ah madaxweyne Farmaajo ugu waaniyey in uu askartaas kasoo saaro gobolka isla markaana uu heshiis la gaaro dowladaha xubinta ka ah federaalka ee kasoo horjeeda dowladiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM