Dagaal u dhaxeeya ciidamadda DF Soomaaliya iyo Jubaland oo qarxay

Image

BELEDXAAWO, Gedo – Iska hor-imaad u dhaxeeya ciidamo daacad u ah Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland, iyo kuwa kale oo taabacsan dowlada Soomaaliya ayaa laga soo wariyey Beledxaawo.

Dagaalka ayaa si gaar ah looga soo sheegayaa goobta ugu muhiimsan xadka Soomaaliya iyo Kenya si lamid ah degaanka Buula Amiin.

Dadka degaanka ayaa tilmaamay in ay maqlayaan daryenka hub culus. Illaa iyo haatan lama ogga khasaaraha labada dhinac.

Sidoo kale, waxaanan la ogayn qaabka uu ku bilowday dagaalka, inkastoo maalmihii dambe ay is-hor-fadhiyeen Ciidamadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar sii horeysay sheegtay in Janan uu yahay baxsad isla markaana uu geystay "dambiyo kala duwan oo culus".

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay gobolka Gedo ku daabushay ciidamo "siyaasadeysan oo huriyey xasilooni darro".

Mareykanka ayaa si gaar ah madaxweyne Farmaajo ugu waaniyey in uu askartaas kasoo saaro gobolka isla markaana uu heshiis la gaaro dowladaha xubinta ka ah federaalka ee kasoo horjeeda dowladiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM