Ciidamo kawada tirsan Dowladda Somaaliya oo ku dagaalamay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia - Dagaal culus oo dhaxeeya Ciidamada Xasilinta iyo Askar katirsan Militariga Somaaliya, ayaa saaka waxa uu ka dhacay xaafad katirsan magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo geestay Khasaarooyin kala duwan, ayaa ka dhacay Xaafadda Haanta Dheer ee degmada Deyniile, waxaana labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus oo dhawaqiisa laga maqlayay qeybo kamid ah magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada la weeraray ay halka uu dagaalka ka dhacay u taallay Isbaaro lacago sharci daro looga qaado Gaadiidka dadweynaha.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka, qaar kalena way ku dhaawacmeen, kuwaasi oo rasaasta wiiftada ay ugu tagtey guryahooda, xilli ay huradeen saaka salaaddii subax, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Xasilinta oo gurmad ka helaya kuwa ay dowladda Imaaraadka tababartay, ayaa lagu soo waramayaa inay goobta mudo kula dagaalameen, kadibna ay u suurta gashay inay halkaasi ka saareen Ciidankii qaab beeleedka u abaabulnaa.

Wali dowladda Federaalka Somaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Difaaca kama aysan hadlin dagaalka saaka ciidanka qaranka ku dhexmaray degmada Deyniile, ee waqooyiga magaalada Muqdishu.

Wixii kusoo kordha warka, kala soco Wararkeena damne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM

Fiqi: Dowlado Shisheeye ayaa ku caawinaya Al-Shabaab inay la wareegto Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan toban sano dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-08-2025

  • 12:45PM