Dagaal u dhaxeeya Soomaali iyo Oromo oo ka dhacay Moyaale

Image

MORAALE - Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Moyale ee dalka Itoobiya, kaasoo u dhaxeeyay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda.

Dagaalka oo yimid kadib markii Rag hubeysan oo ka tirsan Oromadda ay kusoo duuleen deegaanka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray laba dhinac.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa usheegay Warsidaha Garowe Online in Oromadda ay dagaal garab ku siinayeen Jabhadda OLF, taasoo dhawaan laga saare Liiska Argigixisadda Itoobiya.

Wuxuu cod dheer ku sheegay inay dileen carruur, waayeello iyo haween, wuxuuna ku sheegay sababta loo beegsadeen dadkaas "Aargoosi" maadama dagaallo horey u dhacay looga dilay dad badan.

"Dadka waa leyska dilayaa, waxaana la doonayaa in laga barakiciyo degaanka, iyo in laga Aargoosto, maadaama loo fasaxay inay soo galaan degaanka. Waxay rabaan inay dhul-ballaarsi ay sameystaan," ayuu yiri qofka ku sugan degaanka.

Dowladda Itoobiya ayuu ugu baaqay inay soo fara-geliso colaadda, isagoo hadii aysan taasi dhicin sheegay in xaaladda meesha ay hadda joogto kasii dareyso khasaaruhuna sii badan doono.

Shalay oo Talaado ahayd ayey ahayd markii degaanka Guuleed oo u dhaxeeya Xuduudka gobolada Oromadda iyo Soomaalida Itoobiya lagu gawracay 5 wiil oo dhalinyaro, kuwaasoo la sheegay inay ka dambeeyeen Maleeyshiyaad Oromada taabacsan.

Qowmiyadaha Oromadda iyo Soomaalida ayaa waxay isku hayaan gacanta ku heynta degaanka Mooyaalle, halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo culus, oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM