Dagaalame ka tirsanaa AS oo isku dhiibay ciidanka Soomaaliya

Image
Dagaalo ka dhacay gobolada Hiiraan, Galgaduud Iyo Qeybo kamid ah Koonfurta Mudug ayuu ka qeyb-qaatay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cali Guudow Maadey oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayaa maanta isku soo dhiibay ururka 47-aad Guutada 8-aad ee Taliska Qeybta 60-aad Ciidamada Soomaaliya kuwaas oo fadhigooda uu yahay degaanka Goof Gaduud Buureey ee Gobolka Baay.

Cali Guudow ayaa mudo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana uu ka qeyb-qaatay sida uu sheegay dagaalo ka dhacay gobolada Hiiraan, Galgaduud Iyo Qeybo kamid ah Koonfurta Mudug.

Dhallinyarada la qalday ee ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay fahmay dhagaraha Khawaarijta, iyaga oo isku soo dhiibaya ciidamada Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM