Dagaalkii Jameecada: Khasaare culus oo gaaray ciidamada dowladda federaalka
MUQDISHO — Ciidamada dowladda federaalka ee muddo-xileedkeedu dhammaaday ayaa khasaare culus oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo gaadiid dagaal kala kulmay dagaallo ka dhacay deegaannada u dhexeeya Leego iyo Jameecada, xilli ay ku wajahnaayeen magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Ciidamadan oo isugu jira Gorgor iyo Danab ayaa loo diray inay dib u qabsadaan Buurhakaba, oo qiyaastii 60 kiiloomitir u jirta Baydhabo, isla markaana ay gacanta ku hayaan xoogagga daacadda u ah madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dibadda ku sugan, Cabdicasiis Laftagareen.
Hawlgalka ayaa la xiriira dadaallada Villa Somalia ay ku doonayso inay ku xoojiso maamulka ay Baydhabo ka dhistay, kaas oo hoggaankiisa loo magacaabay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday, Aadan Madoobe, iyadoo sharciyadda hannaanka lagu doortay lagu muransan yahay.
Aadan Madoobe, oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, ayaa la sheegay inuu ku xiray ku laabashadiisa Baydhabo in marka hore dib loo qabsado Buurhakaba. Dhanka kale, ciidamada Laftagareen ayaa la wareegay deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool.
Wararka laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in saraakiisha hoggaaminaysay ciidamada dowladda federaalka ay ka digeen khatarta waddada Muqdisho iyo Baydhabo, oo muddo sannado ah ay Al-Shabaab ka fulinaysay weerarro, balse digniintooda la diiday.
Ciidamada oo la kulmay roobab xooggan iyo jidgooyooyin ayaa dagaal culus ku qabsaday agagaarka Jameecada, halkaas oo wararku sheegayaan in askar badan lagu dilay, laguna waayey 36 gaadiid dagaal, oo lix ka mid ah yihiin gaadiidka gaashaaman ee Kirpi ee Turkiga.
Saraakiisha la la’yahay ayaa lagu sheegay Mahad Caamir, Anas Dheere, Jeego, Cabdikariin iyo Axmed Gaashaan, halka Taliyaha Ururka 64-aad ee Guutada 7-aad, Halac, uu ku dhaawacmay dagaalka.
Bogag taageera Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaallo gaadiid dagaal oo ay sheegeen inay qabsadeen iyo kuwo gubtay. Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya in diyaaradaha Turkiga ay si khalad ah u duqeeyeen ciidamo dowladda ka tirsan.
Dagaalkan ayaa daba socda hawlgallo ay dowladda federaalka ka bilowday waddada Muqdisho iyo Baydhabo, oo ay ku jiraan dagaalladii Leego ee 24-kii Oktoobar. Deegaanka Leego ayaa hore u soo maray dagaallo culus, waxaana ka mid ahaa weerarkii Al-Shabaab ay sannadkii 2015 ku qaadday ciidamada Burundi ee Midowga Afrika.
Dagaalka ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli Uganda ay ka digtay inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya haddii aan xal laga gaarin khilaafka siyaasadeed, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 26-kii Oktoobar u safray Uganda kadib markii uu ku dhawaaqay shir wadatashi oo uu mucaaradka ku casuumay.
Su’aasha ugu weyn ayaa ah sababta Villa Somalia ay xilligan ciidamo iyo gaadiid dagaal ugu biimeysay waddo muddo dheer amnigeedu halis ahaa, iyadoo hawlgalka lagu xiriirinayo dadaal siyaasadeed oo lagu taageerayo maamulka Aadan Madoobe, halkii mudnaanta la siin lahaa sugidda ammaanka waddada Muqdisho iyo Baydhabo.
GAROWE ONLINE