​Dagaallo khasaaro gaystay oo ka dhacay Gedo

Image

Dagaallo kala duwan, ayaa maanta ka dhacay gobolka Gedo ee Somalia, wuxuuna u dhaxeeyay mallayshiyada ururka Shabaab iyo ciidamada dowladda ee halkaasi ka howl gala.

Labada garab ayaa ku kala dagaallamay degmada Ceel Waaq iyo Caanoole oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed ka xigta degamada Baardheere ee gobolkaasi.

Wararka aan ka helayno degmada Ceel Waaq, ayaa sheegaya inay dhinteen 11 katirsan mallayshiyada Shabaab, halka labo Askari soo gaareen dhaawacyo, sida aan kasoo xigannay saraakiil katirsan guutada 1-aad ee ciidamada xoogga dalka Somalia.

Majirto wax war ah oo dhanka Al Shabaab aan ka helnay, balse dagaalka ayaa la rumaysanyahay inay soo qaateen kooxdaasi oo beegsaday fariisin degmada ku lahaayeen ciidamada dowladda.

Dhinaca kale wararka aan ka helayno degmada Baardheere, ayaa tilmaamay in maanta iska hor imaad ka dhacay deegaanka Caanoole, kaasi oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo Al Shabaab.

Majirto khasaaro cad oo dagaalka laga soo sheegayo, balse ciidanka dowaladda ayaa weerar ku qaaday goob mallayshiyadaasi fariisin ka samaysan lahaayeen.

Xaaladda goobaha lagu dagaallamay ayaa haatan daggan, waxaana labada dhinac gaaraya gurmadyo kala duwan.

Shacabka goobahaasi ayaa baqdin xooggan muujinaya, waxaana la barakacay goobaha qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM