Nepal oo xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogtay Soomaaliya

Image

KATHMANDU, Nepal – Dowladda Nepal ayaa maanta oo Talaado ah waxay ku dhawaaqdey in ay xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay kusoo rogtay muwaadiniinta dalal badan oo ay ku jirto Soomaaliya.

Shan dal oo lagu sheegay in ay yihiin kuwa uu si daran u sameeyay xanuunka Coronovirus oo kala ah China, South Korea, Japan, Italy iyo Iran ayaa si ku meel gaar ah looga joojiyey fisaha.

Dal-ku-galka waa midka lagu bixiyo garoomada diyaaradaha marka ay ajaaniibta soo caga dhigtaan waddanka.

Sidoo kale, waxay Soomaaliya ku jirtaa liiska wadamada muwaadiniintooda looga baahan yahay in ay fiisaha iska soo horumariyaan kahor inta aysan gudaha ugu gelin ama aysan u soo duulin dalka Nepal.

Dalalka xayiraaddaas qeybta ka ah waxa ku jira; Nigeria, Ghana, Zimbabwe, Swaziland, Cameroon, Liberia, Ethiopia, Iraq, Palestine, Afghanistan, iyo Suuriya. Qaar kamid ah dalalka waxaa ka jirta colaad.

Yogesh Bhattarai, Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska iyo Arrimaha Duulimaadka ee Nepal, ayaa wakaaladda wararka Xinhua wuxuu u sheegay in talaabooyinkaan ay la xiriiraan ka hortaga caabuqa Coronovirus.

"Xayiraadda waxay dhaqan-geli doontaa laga bilaabo todobaadka soo aadan," ayuu hadalkiisa raaciyey wasiirka.

Safaaradaha Nepal ku leedahay dalalka caalamka ayaa la faray in ay hubiyaan badqabka shaqsiyaadka soo safraya.

Nepal ayaa kamid ah dalalka Koonfurta Asia ee dalxiiska caanka ah, waxaana ay kamid tahay wadamada macaashka faraha badan ka sameeya arrintaas, balse dhaqaalahooda uu saameyn karo cudurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM