Dalalka Khaliijka miyay ku lug-leeyihiin qaraxyadda Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times ee dalka Mareykanka ayaa ku eedeysay dowladda Qadar qaraxyo bishii May ka dhacay magaaladda Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland.

Jaraa'idka oo soo xiganaya cod laga duubay wada hadal dhex-maray shaqsi ku dhow Amiirka Qadar iyo safiirka Dooxa ee Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraradaasi "lagu xoojinayay" danaha Qadar iyo in lagu riixo Imaaraadka.

Dhacdooyinkaasi oo mid kamid ah uu ka dhacay meel ku dhow Maxkamada Xarunta Gobolka Bari iyo Marsadda magaaladaasi ayaa wadar ahaan waxaa ku dhaawacmay sideed ruux, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Dagaalameyaasha la magac-baxay Dowladda Islaamka faracooda Soomaaliya ayaa waxaa dusha saartay mas'uuliyadda qaraxyadaasi.

Dhanka kale, war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Qadar ayaa maanta oo Talaado ah lagu beeniyay xogaha ku jira warbixinta, waxayna sheegtay in shaqsiga macluumaadka dusiyey uusan marnaba lataliye u noqon.

Xukuumadda Dooxa ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta in uu doonayo in uu ku gacan-sareeyo uuna maamulo siyaasadda Soomaaliya, wallow eedeymahaasi aysan weli ka jawaabin Abu Dubai.

Qadar ayaa bayaanka oo uu arkay Garowe Online waxay ku shaacisay in xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya uu yahay mid ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi.

"New York Times waxaan waydiisanay in uu soo bandhigo codka, si aan baaritaano ugu sameyno. Annaga oo xormeynay siyaasadda NYT, ma aysan nasoo siin warbixin dheeraad ah," ayay tiri xafiiska xiriirka warbaahinta ee Qadar.

Warbixintan ayaa imaaneysa iyadda oo wadamada Khaliijka uu ka dhaxeeyo dagaal dhinaca warbaahinta ah oo bilooyinkii lasoo dhaafay sii xoogeystay.

Eedeymahan ayaa imaanaya iyadda oo dalalka Khaliijka ay ku loolamayaan siyaasadda Soomaaliya tan iyo markii uu qarxay khilaafka wadamaasi xili dowladda federaalka ay sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xasaraasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM