Darawalkii Farmaajo oo weli nolol iyo geeri lagu la'yahay

Image
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayay Maalmihii u dambeeyay in darawalka madaxweynaha uu u goostay deegaanada AS.

Muqdisho, Soomaaliya - Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay Darawalkii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Sahel Maxamed Xirsi, oo muddo toboaad ah la waaysan yahay, iyagoo ku baaqay in la raadiyo.

Sahal ayaa markii ugu dambeysay la arkay xilli uu Madaxweynaha gaarsiiyay Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qoyskiisa ay sheegeen in wixii taas ka dambeysay uusan dib ugu soo laaban.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warar soo baxayay waxaa lagu sheegay in Darawalkii madaxweynaha uu ku biiray Kooxda AS uuna ka iibiyay gaarigii Madaxweynaha, iyadoo aan warkaas si rasmi ah look xaqiijin.

Xildhibaan Faadumo oo ka tisan Golaha Shacabka oo ka hadashay arrintan ayaa tiri: “Darawalkii Farmaajo lama haayo 8 beri jaan iyo cirib meel uu dhigay, waaxana dhalay Nabadoonkeyga, Dowladda wxaan ka codsanaa inay nala raadiso".

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli ay jiraan mas’uuliyiin iyo dad saameyn ku leh bulshada oo u goostay dhanka AS, taasoo loo aaneynayo habaca amni iyo midka sirdoon sida ay sheegayaan Khubarada amniga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM