Dastuurka dalka oo saacado ka dib ka bixi doona ku meel gaarnimada

Image
Xildhibaanada labada gole ayaa haatan kusii qulqulaya xarunta Villa Hargeysa.

Muqdisho, Soomaaliya - Maanta ayaa lagu wadaa in labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan fadhi wadajir ah oo ay ugu codeynayaan afar cutub oo ka mid ah Dastuurka, kuwaas oo taabanaya hanaanka doorashooyinka iyo nidaamka dowladnimo.

Dastuurka ayaa wajahaya diidmo siyaasadeed oo kaga imaanaya madaxweynayaashii hore iyo Dowladda Puntland, kuwaasoo qaadacay hanaanka loo marayo, diidayna inay aqoonsadaan dastuurka maanta la filayo in cod aqlabiyad ah lagu meelmariyo.

Inta badan dhaliilaha loo jeedinayo dastuurka ayaa ku aadan isku deyga ah in madaxweynaha la siiyo awood dalka ku soo celin karta marxaladda kalitalisnimada, iyadoo ay u sii dheer tahay suurtagalnimada in muddo kororsi lagu sameeyo hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku xilsaaray dhameystirka Dastuurka, isagoo aan dhag jalaq u siinin codadka mucaaradka oo u badan siyaasiyiin soo joogay marxalidihii kala duwan uu dalka soo maray.

Inkastoo maalmihii lasoo dhaafay ay dalka ka jireen khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira dastuurka ayaa waxaa la filayaa in maanta daaha laga saaro dastuurka, isla markaana dalka galo marxalad ka duwan tii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM