DEG DEG: Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa gilgiley goordhaw magaaladda Muqdisho, kasoo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid loogu xiray Gaari uu lahaa Sarkaal katirsan booliska dowladda oo magaciisa lagu soo koobay Koronto.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan nawaaxiga Shaqaalaha, iyadoo goobta ay tageen ciidamada amaanka oo halkaasi kasoo qaadey dhawaca dadkii saarnaa gaariga.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xilli wadooyinka Muqdisho ay xiran yihiin, islamarkaana booliska uu dhawaan bixiyay digniino la xiriira in baabuur qaraxyo lagu soo xiray ay ku jiraan magaaladda.

Dowladda ayaa u diiday wariyeyaasha warbaahinta madaxa-banaan iyo gaadiidka gurmadka ee Aamin Ambulance inay tagaan goobaha qaraxyada ay ka dhacaan.

FAHFAAHIN kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo Sii Xoogeysanaya, Halista Amniga Geeska Afrika 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si toos ah ugu eedeeyay kooxda Xuutiyiinta — oo taageero ka hesha Iran.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 05:38PM

Soomaaliya: Madaxweyne ku-xigeenkii Jubaland oo geeriyoodey

Geeridiisu waxay tahay khasaare weyn oo soo gaaray Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya. Ilaahay ha u naxariisto.

  • Soomaliya

    28-06-2025

  • 04:33PM