DEG DEG: Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa gilgiley goordhaw magaaladda Muqdisho, kasoo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid loogu xiray Gaari uu lahaa Sarkaal katirsan booliska dowladda oo magaciisa lagu soo koobay Koronto.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan nawaaxiga Shaqaalaha, iyadoo goobta ay tageen ciidamada amaanka oo halkaasi kasoo qaadey dhawaca dadkii saarnaa gaariga.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xilli wadooyinka Muqdisho ay xiran yihiin, islamarkaana booliska uu dhawaan bixiyay digniino la xiriira in baabuur qaraxyo lagu soo xiray ay ku jiraan magaaladda.

Dowladda ayaa u diiday wariyeyaasha warbaahinta madaxa-banaan iyo gaadiidka gurmadka ee Aamin Ambulance inay tagaan goobaha qaraxyada ay ka dhacaan.

FAHFAAHIN kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM