Qarax gaari oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lagu waramayaa in uu caawa ka dhacay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warar horudhac ayaa ku waramaya in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ku yaala degmada Xamar Jajab.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa dhacay waxyar kadib salaadiid Maqrib waqtiga magaalada Muqdisho.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa laga cabsi qabaa in uu geysto qaraxa, xili gaadiidka gurmadka deg deg ah ay kusoo qul-qulayaa halka ay wax ka dhaceen.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan oo qayb ka ah kuwa liddi ku ah amniga caasimada oo maalmihii u dambeeyay dhacayay.

Shalay oo Arbaco ah ayay ahayd markii taliska Booliska Soomaaliya uu ka digay gaadiid qaraxyo ku rakibay oo uu sheegay in ay ku jiraan caasimada.

Kula soco wararkeena dambe fahfaahin dheeraad ah

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM