Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahin laga helayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay magaaladda Muqdisho, kaasoo noqonaya midkii labaad oo maanta oo kaliya ka dhacay caasimadda Soomaaliya.

Jugta Qaraxan oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamida Muqdisho, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuu ka dhacay Isgoyska Dabka.

Gaadiidka gurmadka degdega aya goobta kusoo qulqulaya, waxaana la ogeynta inta uu la egyahay khasaaraha Qaraxan oo lala eegtay Isgoyska aad u maqshuul badan oo ku yaalla wadada aada dhinaca Madaxtooyadda iyo xarunta Baarlamaanka.

Saacado kahor, qarax xoog leh ayaa ka dhacay afaafka Hotel Mubaarak, oo ku yaalla wadada Makka Al-Murakama, kaasi oo ay ku dhaawacmeen labo qof oo shacab ah. [Halkan ka akhri warka].

Qaraxyada ayaa kusoo kordhaya Muqdisho mudooyinkii dambe, iyadoo wadooyinka ay u xiran yihiin ciidamada booliska dowladda oo u muuqdan inay ku guuldareysteen kahor tagida baabuurta qaraxyada ku xiran ee lasoo geliyo magaalada.

Faahfaahin filo goordhaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM