DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax labaad oo xooggan ayaa caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya abaare 10:00 p.m. habeenimo.

Jugta qaraxa labaad ayaa laga wada maqlay magaaladda qeybo kamid ah, iyadoo uu ka dhacay inta u dhaxaysa halka uu qaraxii kowaad ka dhacay ee hotel-ka Hilaac UK iyo KM-4, gaar ahaan hotel-ka Naasa-Hablood 1.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in qaraxii hore uu ahaa mid burbur xooggan geystay iyadoo uu dab qabsaday xarumo ganacsi oo aad u badan iyo Wardhere Hotel, oo wadada hareeraheeda ku teedsan.

Sawirro laga soo qaadey goobta dhacdada hore ayaa muujinaya dab xooggan oo qariyay wadada iyadoo ay holcayaan gaadiid iyo goobaha ganacsiga ee Wadada Makka Al-Mukarama.

Wararka ayaa sheegay in qaraxii kowaad oo ahaa gaari xamuul ah oo waxlxo qarxa lagu soo raray, kaasi oo qarxay xilli uu ku jiray safka gaadiid badan oo taagnaa bar koonatarool irida hotel-ka Hilaac UK.

Illaa hadda dhimasha waxaa la xaqiijiyay 15 qof qaraxii kowaad, iyadoo intaasi ay ka badan karto maadaama uu socda gurmad iyo daabulida meydadka iyo dhaawacyada qaraxii hore oo dhacay 9:00 p.m.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM