Dekada laga soo dejiyay Hubka lagu qabtay Cadaado oo la ogaadey

Image

CADAADO, Soomaaliya - Tafaasiil dheeri ah ayaa laga helayaa lix Gaari oo xamuul ah, kuwaasi oo maalmo kahor ay ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku qabteen Kontaroolka laga soo galo Cadaado.

Xogta uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaysa in Gadiidka oo noocoodu yahay Candhameedle ay saaran yihiin Konteenaro, kuwaasi oo aanan wali la go’aamin waxa dhexdooda ku jira.

Saraakiisha amniga Cadaado, ayaa daboolka ka qaadey in Darawaladii baabuurta ay u sheegeen inay ka yimaadeen dalka Jabuuti, kuna sii jeedaan magaalada Muqdisho, iyagoo maraya dhulka ay Al-Shabaab maamusho.

Ma jirto wax cadeyn ah oo muujinaya in gawaaridda ay ka yimaadeen Jabuuti.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dekadda Berbera laga soo dejiyay hubka. Si kastaba, gudi ayaa loo xil-saarey baaritaanka gaadiidkan hubka ku raran.

“Qaar waxay sheegeen inay ku socdeen Muqdisho. Qaarkood Beladwayne, qaarna gobolada Koonfur Galbeed. Marka, waan sii wadaynaa baaritaanada,” ayuu yiri mas'uul diiday in la baahiyo magaciisa.

Taliyaha ciidanka xooga dalka, gaar ahaan qaybtiisa 21aad ka howlgasha gobolada dhexe ee dalka, Col Cirro ayaa galabnimada Axada isku dayey inay la wareegaan gaadiid xamuul, inkastoo ay ka diideen ciidamada Daraawiishta ee markii hore qabtay.

Afhayeenka ciidamada Daraawiishta ee maamulka Galmudug, Yabaal Xaaji Aadan ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in Col Cirro markii hore ay ku war-geliyeen Gawaarida, balse u u sheegay inaanu waxba kala socon.

Wasaarada Amniga Gudaha Federaalka, Taliska Booliska dowlada dhexe iyo dhamaan hay’addaha ay khuseyso ayuu carabka ku dhuftay inay kusoo war-geliyeen balse ay u sheegeen inaanu xogba ka haynin. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM