Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Image
Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC).

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey Shirka iyo dadaalka Hay’adda PDRC ee ku aadan Nabadda iyo isu keenista dadka Soomaaliyeed ee waxgalka ah ee isugu yimi Shirka, isagoo la wadaagay in fursadan looga dhex doodo xal u helista xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, in la illaaliyo wixii heshiiska lagu wada yahay, masuuliyadna la isi saaro oo dadka laga wada qeybgeliyo wixii xal u raadinta dalka ah oo aan la isku koobin.

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, isla markaana lagu soo aadiyey maalinta nabadda Adduunka, waxaa sanadka looga doodaya doorka Warbaahinta ee Nabadda.

Waxaa Shirka ka qeybgalay, Guddoomiye Ku-xigeenka Urur Goboleedka IGAD Ahna Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Goleyaasha Dowladda Puntland, Safaarada Sweden ee Soomaaliya, Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’adda USAID, Qoreyaal Soomaaliyeed iyo wakiilo u dhaqdhaqaaqa Nabadda oo isaga kala yimi Dal iyo Dibad, Ururada Bulshada Puntland, Dhaqanka, Haweenka, dhallinyarada, Warbaahinta Puntland iyo weriyayaal iyana laga casumay Gobollada kale ee dalka iyo dibadda iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM