DF: Talaabada Kenya ee arrimaha duulimaadka waa mid siyaasadeysan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ayaa waxay si adag u dhaliishay go’aanka ay Kenya ku joojisay duulimaadka tooska ah ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Xukuumadda ayaa waxay ku tilmaamtay talaabadaasi mid culeys lagu saarayo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ku sifeysay go’aanka qar iska tuurnimada ee Kenya "mid siyaasadeysan oo aan u fiicneen xiriirka derisnimo".

Bayaan kasoo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in ay xiriir la sameyn doono hay’addaha ku shaqada si ay talaabada ku haboon uga qaadato.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku tartarsiisay Kenya in ay dib uga noqoto go’aankaasi oo carqalad u ah isu socodka iyo ganacsiga ka dhaxeeya labada Ummaddood.

Khamiistii ayay ahayd markii Hay’adda Socdaalka Kenya ay fartay dhamaan duulimaadyada ka yimaada Muqdisho ay soo maraan garoonka Wajeer, si halkaasi loogu sameeyo baaritaano amni.

Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawada Soomaaliya, ayaa meesha ka saarey sheegashada Kenya ee hubinta dhanka amaanka, isaga oo tibaaxay in ay jiraan sababo kale oo ku dhiirogeliyey, wallow uusan cayimin.

WAR-SAXAAFADEED

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM