DF oo beenisay wararka laga faafiyey wadahadalka Farmaajo iyo Uhuru

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxay u beenisay wararka tilmaamaya in wadahadalka Farmaajo iyo Uhuru uu ku yimid cadaadiska Mareykanka iyo Itoobiya.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda xukuumada federaalka ah, ayaase qiray in codsiga wadahadalka uu gudbiyey madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isagoo khadka telefoonka ugu waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, Cawad ayaa caddeeyay inay jiraan soo jeedino kaga timid "dalal aan saaxiibo nahay", wallow uusan carabaabin wadamada.

"Dalal xor ayaanu nahay, laakiin dalal aan saaxiib tihiin talo way ku siin karaan, go’aanka wuxuu ka yimid madaxda Soomaaliya iyo Kenya, codsigana wuxuu ka yimid madaxweynaheena," ayuu yiri.

Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa telefoonka kuwada hadlay todobaadkii hore kadib isku dhac ciidamo ku dhexmaray xuduudka labada dal, taasoo sababatay waxyeelo maaliyadeed.

Wargeyska Daily Nation ee Kenya ayaa daabacay in wadahadalkaas uu Farmaajo "ku qanciyey" Abiy Axmed, ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaasoo fuliyey codsi kaga yimid dowladda Mareykanka.

Sikastaba ha ahaatee, hadalka Cawad ayaa wuxuu kusoo aadaya iyaddoo uu ku sugan Nairobi, halkaasoo uu ugu gogol xaarayo safar la filayo in uu Farmaajo ku tago caasimadda Kenya, maalmaha soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM