DF oo bogaadisay Mowqifka UAE ee 'Midnimada' Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay war dhawaan kasoo yeeray Imaaraadka oo ahaa in Abu Dhabi ay ka go'an tahay inay ilaaliso midnimada, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

War-Saxaafadeed ay shalay soo saartey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay sidoo kale Imaaraadka uga mahad-naqeyso taageerada iyo doorka firfircoon ee uu ku leeyahay dib u dhiska dalka.

“Soomaaliya waxay Imaaraadka uga mahad-celineysaa mowqifkeeda ku aadan midnimadda Soomaaliya, iyo doorka uu ku leeyahay dib udhiska dalka oo ah mid aad umuuqata,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka taageerada dhinac walba ah la garab taagan dalka Soomaaliya, waxaana uu kamid yahay dalalka safka hore uga jiray tan iyo burburkii caawinta Soomaaliya, dhinacyada amniga iyo bini'aadanimada.

Balse, xiriirka labadda dal ayaa xumaaday markii laamaha amaanka ee Soomaaliya ay si fool xun uga dhaqmeen diyaarad lacag usiday ciidamada xooga dalka, taasoo mad-madow hadda soo kabanaya ka dhex abuurta labada dal.

Isku soo dhawaanshaha labadda dal ayaa la rumeysan yahay inuu yimid markii masuuliyiinta ugu sareysa labada dal ay yeesheen kulamo lagu xaliyo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya oo hadda soo hagaagaya.

Safiirka Imaaraadka ee EU, Belgium iyo  Luxembourg, Mohammed Issa Al Suwaidi, ayaa ka sheegay shirkii 16-kii iyo 17-kii bishan ka dhacay Brussels, in Imaaraadka uu ka shaqayn doonayo sidii loo soo celin lahaa xasiloonida iyo amniga Soomaaliya.

Al Suwaidi ayaa sidoo kale daboolka ka qaadey in UAE uu taageerayo dedaallada wax looga qabanayo caqabadaha siyaasadeed, amaanka iyo horumarka ee ka jira dalkan ku yaalla geeska Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM