DF oo ciidamo kale geysay Baydhabo iyo qaylo-dhaan kasoo yeertay magaalada

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta ciidamo horleh geysay magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo 5-ta bisha December la filayo inay ka dhacdo doorasho madaxtinimada. 

Diyaarad nooca xamuulka, oo sida ciidamo, hub iyo gaadiidka dagaalka, lagana diray Muqdisho, ayaa ka degtay Garoonka Shaati-Gaduud, waxaana tagitaankooda dhalisay xaalad kacsanaan ah, iyadoo isla maanta qaylo-dhaan ay kasoo yeertay siyaasiyiinta degaanka .

Ciidamo ay dowladda Federaalka ka dejisay Baydhabo oo tiradoodu aan wali la shaacin, balse lagu qiyaasay illaa 50 Askari ayaa kuwaasoo ku lebisan dareeska Booliska Soomaaliya, iyadoo wararka kala duwan ay kasoo baxayaan sababta loo geeyay magaalada.

Waxaa arintan kasoo horjeestay Xildhibaano kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin u dhashay degaanka, kuwaasoo maanta shir jar'aaid ay ku qabteen Baydhabo kasoo saarey baaq iyo qaylo-dhaan.

Xildhibaanada oo uu ku jiro Sheekh Aadan Madoobe, Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo ay dowladda Federaalka geystay Baydhabo ay halis ku yihiin amniga, waxayna dalbadeen in si deg deg ah dib loogu celiyo Muqdisho.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo kamid ah Mucaaradka dowladda Federaalka, sidoo kalena kamid ahaa Musharixiintaa la dartamay Farmaajo doorashadii Febuary 8, 2017 ayaa ku tilmaamey ujeedka ciidanka loo geeyay Baydhabo inay magaalada ka abuuraan "fidno iyo fadqalalo".

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Ciidankan ay kamid yihiin Hay'adda Nabad Sugida, islamarkaana ay yihiin kuwii Gurigiisa Muqdisho weeraray 17-kii December, islamarkaana ka dilay 5 kamid ahaa ilaaladiisa, isagana dhaawacay.

Wasaaradda Amniga dowladda Federaalka wali kama aysana hadlin sababta keentay in ciidamo hubeysan loo diro Baydhabo, balse waxa uu Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe sheegay in Villa Somalia ay ka damacsan tahay ciidankan inay ku afduubto doorashada Koonfur Galbeed, oo ay ka qeyb-galayaan labo musharax oo Muqdisho laga soo diray, kuwaasoo kala ah Cabdicasiis Lafta Gareen, Wasiirkii hore ee Biyaha iyo Tamarta iyo Taliyihii hore ee NISA, Xuseen Maxamed Xuseen [Calool-Kuus].

Warar ayaa sheegay in labada musharax aysan taageero badan ka helin dadka degaanka, Odayaasha iyo Siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed, oo aad uga soo horjeeda in talada ay u dhiibtaan Madaxweyne cid gaar ah wadato [Dowladda Federaalka].

Mukhtaar Roobow, oo kamid ah Musharaxiinta ayaa la sheegay inuu heysto taageero ballaaran, iyadoo dhawaan shan kamid ah Musharaxiinta, oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Maaliyadda dowladdii Xasan Sheekh Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ay isaga u tanaasuleen.

Taageeradda Roobow ayaa culeys saartay qorshaha dowladda Federaalka oo ah inay isaga ka reebto doorashada, iyadoo ay Wasaaradda Amniga xukuumadda soo saarey warqad ay uga hor-istaageyso inuu taratanka ka qeybgalo, taasoo shaqeyn waysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM