Habraac loo dejisay doorashooyinka maamulada xili uu khilaaf jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumada federaalka ah ayaa soo saartay mabaadi'da iyo habraac ay sheegtay in loo marayo doorashooyinka maamul goboleedyadda dalka.

Sidda ku cad qodobka labaad, Xildhibaanada cusub waxaa si madax banaan u soo xulaya odayaasha dhaqanka beelaha ay kasoo jeeda tartameyaasha kursigaasi doonaya.

Tani waxay kasoo horjeedaa qorshe cusub oo Guddiga doorashada Jubbaland uu wado oo ah in Xildhibaanada cusub ay iyaga soo xulaan, iyaga oo mid kala baxaya saddex ruux oo ay odayaasha soo saaraan.

Qodoba 12aad ayaa xeerinaya in wasaaradda ay iyadda oo kaliya ay si rasmi ah ugu dhawaaqi karto natiijada kama dambeysta ah ee doorashada iyo in korjoogto caalami ah iyo kuwa maxali ah goobjoog ahaadan.

Habracaan kasoo baxay wasaaradda ayaa wuxuu kusoo aadaya iyada oo aan wali la xalin khilaaf u dhaxeeya maamulada qaar iyo dowladda federaalka oo "farogelin guracan lagu eedeeyay".

Madaxtooyadda ayaa aad ugu mashquulsan sidii ay uga takhalusi lahayd madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, kaasi oo xusul-duub ugu jira in uu difaacdo kursigiisa.

Sidoo kale Villa Soomaaliya ayaa raadineysa doorasho waqtigeeda laga soo horumariyey oo ka qabsoonto Galmudug, taasi oo Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] uu ka biyo diidan yahay.

Doorashada Jubbaland oo loo madalsan yahay bisha Agoosto ee sanadkan 2019 ayaa waxaa haatan socota soo xulista Xildhibaanada cusub oo uu muran xoogan ka taagan yahay.

HABRAACA OO DHAMEYSTIRAN HOOS KA AKHRISO

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM