Federaalka oo ka hadley dib u dhaca ku yimi wada hadalka Puntland

Image

Axad, September 21, 2014 [GO]- Qoraal kasoo baxay xafiiska ku simaha Ra'iisul Wasaraha Somalia Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa lagu sheegay Dowladda Federaalku inay dhowaan wada hadal la furii doonto Puntland.

Ridwaan ayaa sheegay dib u dhaca ku yimi wada hadalkii horay ugu baaqday Dowladda Puntland uu salka ku hayo arrimo farsamo waxaase la hadal hayaa tilaabadda xigta Puntland ka qaadan doono Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

''Waxaan dadka Puntland iyo xukuumadoodaba u xaqiijinayaa in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada shaqeeyaan Puntland si loo soo celiyo kalsoonidii iyo midnimadii qaran” Ridwan Xirsi ayaa sidaasi yiri.

Shalay oo taariikhdu ku beegnayd 20 Sept,2014 ayuu ku ekaa waqtigii Puntland u qabatay wada hadal ay la gasho dowladda Federaalka ah balse ma jiro ilaa iyo hada go'aan muuqda oo madaxtooyadda Puntland kasoo baxay.

Puntland ayaa xiriir aan la shaacin markii dib loo soo celiyey u jartay dowladda Muqdisho [July 31,2014] kaddib markii ka biyo diiday maamulka loo dhisayo gobollada dhexe oo sida la shaaciyey ka koobnaan doona gobolka Mudug iyo gobolka Galguduud.

Dowladii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa horey xiriirka ugu jartey dowlada Federaalka kadib markii Dastuurka Somalia faragalin lagu sameeyey.

Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya dhamaadka bishaan uu kusoo wajahan yahay magaalada Garowe Ra'iisul Wasaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed oo hadda ku sugan Norwey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni: Ciidanka difaaca Puntland way burburiyeen awoodda Daacish

Madaxweynaha ayaa xusay in dagaalkaasi uu keenay khasaare xooggan, isagoo sheegay in boqolaal askari oo Puntland ah.

  • Soomaliya

    28-09-2025

  • 07:59AM

Sheekh Shariif oo ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu isku dayayo inuu “ka takhaluso”

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in maamulka uu si sharci darro ah u bartilmaameedsanayo odayaasha dhaqanka.

  • Soomaliya

    27-09-2025

  • 12:49PM