DF oo ka hadashay iskaashiga cusub ee Ethiopia, Kenya iyo Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Todobaadkaan waxaa heshiis iskaashi oo saddex geesood ah magaaladda Asmara ee caasimada Eritrea ku gaarey hogaamiyaasha dalalka Ethiopia, Kenya iyo wadanka marida loo ahaa, taasoo su’aallo badan dhalisay.

Siyaasiyiinta ka fal-celisay arrintaan oo saluugay in Soomaaliya aysan qayb ka ahayn iskaashigaasi ayaa ku tilmaamay mid dharbaaxo ku noqonaysa wadanka leh xeebta ugu qaaradda Afrika.

Hasayeeshee, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa  meesha ka saaray in xukuumada federaalka ay "qoon-satay" iskaashigaasi, isagoo si cad u shaaciyay in ay soo dhaweynayaan.

"Waxaanu rabnaa in dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan dalalka deriska aan si khaldan loo turjumin," ayuu Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ku sheegay wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ayaa sanadkii hore ku heshiiyay in iskaashi 3-xagale ah ka yeeshaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo nabad-gelyada, iyadoo aaney ku jirin Jabuuti iyo Kenya.

Mahdi oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in dowlada uu hogaamiyo Farmaajo ay xoojineyso daris wanaaga iyo is-dhexgalka gobolka oo sanadihii u dambeeyay ay ka jirtay colaad iyo loolan siyaasadeed.

"Mar walba waanu ku niyad-san nahay walaalaheen gobolka…gacmaha lays qabsado…dhaqaaluhu isu furmo…waxna lawada qaybsado," ayuu Khadar ku daray, isagoo adkaynaya mowqifka xukuumada.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha ku xigeenka oo soo hadal-qaaday muran xuduud badeedka Kenya ayaa shaaciyay in aanu marnaba gorgortan diyaar u ahayn, ayna ka war dhowrayaan go’aanka ICJ.

Ugu dambeyntii, mar wax laga waydiiyay amni daradda Muqdisho ayuu sheegay in laamaha amaanka ay ku howlan yihiin sidii ay u xasilin lahaayeen magaaladda, isagoo qiray in aysan gaarsiin nabad-gelyada meeshii la rabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM