DF oo ka jawaabtay hadal ay Kenya kasoo saartey qabashada Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay hadal dhowaan kasoo yeeray Kenya oo ku saabsan soo qabashadda wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur [Janan].

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka, ayaa xusay in DF ay dalab lagu soo xirayo u gudbisay Dowladda Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in aysan helin codsi rasmi ah oo kaga yimid Soomaaliya oo ah soo gacan-gelinta Wasiirka Amniga Jubaland, kaasoo ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho.

Wasiir Cawad oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa tilmaamay in ay dalab kale u gudbiyeen Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL, kaasoo ay xubin ka tahay Kenya.

"Dowladda Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu gudbisay Interpol, oo Kenya iyo dal kasta oo UN-ta kamid ah ay xubin ka yihiin ama badankooduba, in ninkaasi [wasiir Janan] uu yahay nin sharciga kasoo baxsaday, sidaas daraadeedna ay tahay in Soomaaliya loosoo celiyo si loogu qaado wixii dambi ah ee loo haysto. Marka taasi waa ogeysiis rasmi ah," ayuu yiri Cawad.

Qadiyada Janan ayaa u muuqaneysa mid qeyb ka noqotay arrimaha sii murjiyey cilaaqaadka Muqdisho iyo Nairobi, kaasoo meeshii ugu adkaa gaarey, kadib markii labada dowladood midba midka kale ku eedeysay faragelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM