DF oo mamnuucdey dadka ka imaanaya dalalka laga helay COVID-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay mamnuucqdey duulimaadyadda dhamaan dalalka uu saameeyay caabuqa Coronavirus.

Rakaabka ka imaanaya Shiinaha, Iiraan, Jamhuuriyadda Kuuriya, Talyaaniga iyo dalka kale ayaa laga xanibay in ay dalka soo galaan muddo 14-maalmaamood ah.

Go'aankaan ayaa la xiriira si looga hortago cudurka dilaaga ah ee Coronavirus, sidda lagu sheegay qoraal nuqul kamid ah uu helay Garowe Online.

Hay'adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed ayaa fariintaas u dirtay dhamaan shirkadaha duulimaadyada caalamka.

Tani ayaa imaaneysa xili afar muwaadin oo ka yimid Shiinaha lagu hakiyey garoonka Muqdisho isla markaana loo diray dibadda si loo baaro hadii ay la nool yihiin xanuunkaas.

Xukuumada ayaa mar sii horeysay u sheegtay shirkadaha diyaaradaha in aysan soo qaadi karin rakaabka dalalka laga helay COVIDー19, talaabadaas oo qaarkood ay dhaqan-geliyeen.

Wasaaradda caafimaadka federaalka ayaa soo jeedisay in shaqaalaha dowladda iyo dadka shacabka ay joojiyaan safarada dibadda ee muhiimka aan ahayn si lamid ah taxadar dheeri ah.

Qoraalka Hay'adda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM