DF oo midnimo u muujisay Sacuudiga oo Mareykanka u hanjabey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa garab istaag iyo midnimo u muujisay Sacuudiga, oo xilligan cadaadis xooggan iyo hanjabaadyo cunaqabateyn kala kulmaysa dowladaha reer galbeedka oo Mareykanka uu kamid yahay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Villa Somalia ay kasoo horjeedo cid kasta oo isku dayeysa inay dhibaato gaarsiiso ama wax u dhimeysa boqortooyadda Sacuudiga.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa lagama maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeedooyin kale leh oo lagu hagardaaminayo boqortooyada Sacuudi Carabiya," ayuu lagu yiri War Saxaafadeedka.

Dowladda Federaalka ayaa garab-taag dhameystiran u muujisay Sacuudiga, iyadoo go'aankana uu yimid kadib markii maalmo kahor uu Ra'iisul Wasaare Khayre booqasho labo maalmood qaadatey ku tagey magaalada Riyadh, oo uu kula soo kulamay boqor Salman iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha ah, Maxamed Bin Salman.

Safarka Khayre ayaa ka dambeeyay markii uu isaga ka codsaday Sacuudiga inay casuumaad usoo dirto, waxaana booqashadiisa salka ku haysay sidii Xukuumadiisa usoo celin lahayd xiriirka Boqortooyadda dalkaasi, oo xumaaday markii Qadar la safatay.

Waa markii labaada sanadkan gudahiisa oo dowladda Federaalka ay taageero u muujinayso Sacuudiga, iyadoo dhawaan sidan oo kala ula safatay markii ay iskhilaafeen Canada.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa "ciqaab darran" ugu hanjabey Sacuudiga haddii ay ku cadaato inay ka dambeeyaan dilaka Suxufiga Jamal Khashoggi oo 2-dii bishan lagu waayay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, Turkey.

Dhaqaalaha Sacuudiga ayaa si deg deg ah hoos ugu dhacay markii ay so baxday hanjabaad Trump, iyadoo Xukuumadda Riyadh ayaa wacad ku martay inay ka aar-gudan doonto cid kasta oo isku dayda inay cunaqabateyn saarto.

WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM

Xog cusub oo kasoo korartay weerarkii Wargaadhi, Shabeellaha Dhexe

Deegaanka Wargaadhi ayaa ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka gobollada xeebaha iyo gudaha ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:31AM