DF oo saxiixdey heshiis loogu deeqay laba milyan oo Yuuroo

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta ku saxiixay Muqdisho ka "marqaati" ahaan heshiis ku saabsan qaab maamulka u dhexeeya Dowladda Talyaaniga iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), iyadoo Talyaanigu ku deeqay labo milyan oo Euro oo taageero maaliyadeed ah Sanduuqa Qaramada Midoobey ee bah-wadaagta kala duwan (UN MPTF) ee Soomaaliya.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale dhinacooda ka saxiixay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi, Wakiilka Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Soomaaliya, Jocely Mason, iyo Agaasimaha Wakaaladda Iskaashiga Talyaaniga, Guglielmo Giordano.

Heshiiskan ayaa waxa uu ka qeyb yahay "Sanduuqa Qaramada Midoobey ee bah-wadaagta kala duwan (UN MPTF) ee Soomaaliya".

Soomaaliya iyo UN MPTF waa kuwa isla dhammaystira si is-oggol ah oo jaan-qaadid leh waxyaabaha la taabbagelinayo, iyadoo loo marayo Xarunta Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF), oo ay kala maamulayaan Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika.

Sanduuqa Qaramada Midoobey ee bah-wadaagta kala duwan (UN MPTF) ee Soomaaliya waxaa loo dejiyay inuu shaqeeyo muddo 10 sano, oo ka bilaabantay 2014, socon doontana illaa iyo December, 2024.

Saxiixa heshiiskani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Xaamud Cali Xasan, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdiladiif Maxamuud Cali iyo mas'uuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM